spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliland oo sheegtay in Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay Dowladda Itoobiya.

Khamiis -Jan-11-{HMC} Soomaaliland ayaa maanta sheegtay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodi ah Dowladda Itoobiya ula gashay heshiis qarsoodi ah oo dhinaca badda ah.

Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliland, oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya.

 

Mr Kaahin ayaa yiri:”Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo heshiis lasoo galay dalka Itoobiya, oo ula soo galay in ay iska kaashanayaan arrimaha badda iyo dhulkaba, heshiiskan oo qarsoodi ahaa, inaga heshiiska madaxweynuhu markuu madaarka kasoo dagay ayuu dadka uga waramay”.

 

Wasiirka ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal kula jirto Soomaaliland iyo in ay been abuur ka samaynayso heshiiska labada dhinac, isaga oo sheegay in ay is difaaci doonaan markasta.

 

Wasiirku waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab iska kaashanayaan burburinta Soomaaliland, iyada oo dowlada federaalku ay sheegtay in kaniisada Itoobiya ay imanayso Somaliland, taasi oo uu wasiirku ku sifeeyay qorshe la doonayo in dadka lagu kiciyo.

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo mudaharaado ay dowladu soo abaabushay ay maalintii labaad ka dhaceen gobolka Banaadir.

WARARKA