spot_imgspot_imgspot_img

Shiinaha oo ka hor yimid damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Khamiis -Jan-11-{HMC}  Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, “Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.”

Afhayeenka ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Shiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dalalka geeska Afrika in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan,

“Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.” ayey hadalkeeda ku soo xirtay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda

January 1, 2024-ka magaalada Addis ayaa is-afgarad waxaa ku dhexmaray Ra’iisull Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi, tallaabadaan ayaa ah mid ku xadgudbaysa qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

WARARKA