spot_imgspot_imgspot_img

Milatariga dalka Nageria oo qaaday tallaabo deg deg ah kaddib muuqaal carro dhaliyay oo la baahiyay

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Baraha bulshada waxaa si weyn loogu baahiyay muuqaal carro badan ka abuuray gudaha dalka Nageria, kaddib markii ciidamo katirsan milatariga dalkaasi qof shacab ah kula kaceen fal ka baxsan anshaxa ciidanka

 

Muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay ayaa laga dhax arkayay labo askari oo mid kamid ah dareeska ciidanka xirnaa , kuwaa oo si naxariis darro ah u garaacayay una laadayay qof shacab ah oon shaar xirneyn

 

Baraha bulshada ayaana laga arkayay muuqaalka lagu baahiyay ninka la jirdilayay oo qeylinaya kana codsanaya askarta in ay u naxariistaan, balse askarta ayaa dhagaha ka fureestay ninkan kuna sii waday garaacsista

 

Muuqaalkan ayaana carro badan ka abuuray gudaha dalka Nageria, waxa ayna dadkii daawaday ka codsadeen ciidanka in tallaabo deg deg ah laga qaado askartii ku kacday falkaasi aadka looga naxay

 

War kasoo baxay milatariga Nageria ayaa lagu sheegay in la xiray lana aqoonsaday labada askari ee ku kacay falka naxariis darada ah, waxa ayna milatariga sheegeen in askartaasi wax u dhimeen sgarafta ciidanka lagana qaadi doono tallaanada ku habboon

 

Jir-dilkan ciidanka milatariga Nageria u geesteen qofka shacabka ah ayaa ka dhacay gobolka Rivers ee Nigeria, balse si dhab ah looma oga taariikhda rasniga ah uu falkan dhacay iyo sababta ciidabka falkaasi u geesteen.

WARARKA