spot_imgspot_imgspot_img

Madaxaweynaha Maamulka Puntland oo Xilka ukala wareejiye Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada iyo Gudoomiyaha cusub

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka ugu kala wareegayeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland iyo midka cusub ee dhowaan loo doortay xilkaasi

 

Xil-wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday qasriga madaxtooyada, ayada oo labada ku xigeen uu xilalka u kala wareejiyay madaxweyne Saciid Deni oo mar kale dib loo doortay

 

Axmed Karaash oo ah ninka la beddalay oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo isbeddalka dhacay, uuna la shaqeynayo madaxa la doortay

 

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Lugatoor oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay ku xigeenkii hore, isaga oo sheegay inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono, isla markaana uu la shaqeyn doono madaxweyne Saciid Deni

 

La wareegitaanka xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhigan inuu dhaqan galay isbeddalkii ka dhacay madaxtooyada oo ku koobnaa madaxweyne ku xigeenka, maadaama madaxweynihii mar l2aad dib loo soo doortay kadib doorasho 8 bishan ka dhacday Garowe

 

Saciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay maamulka Puntland, tan iyo markii la aas-aasay maamulkaasi oo 25 sano jirsaday

 

Dhacadadan doorashada ayaa meesha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya

 

Deni iyo ku-xigeenkiisa cusub ayaa waxaa horyaalla howlo adag oo ay ugu horreynta mad-madwoga kala dhexeeya dowladda dhexe iyo inuu Puntland gaarsiiyo qof iyo cod.

WARARKA