spot_imgspot_imgspot_img

Bananbixii ugu ballaarnaa oo ka socda Muqdisho iyo waddooyinka oo saakay xiran

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya

 

Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

 

Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya

 

Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya

 

Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay dibadbaxaan

 

Horay reer Muqdisho ayaa u dhigay dibad-bax ay ku diideen heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulk gobolka Banaadir

 

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

WARARKA