spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir Fiqi: “Damaca gurracan ee Itoobiya wuu ka wayn yahay heshiis”.

Arbaco jan-10 2024-{HMC}  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dibadbaxa abaabulkiisa uu ka socda Magaalada Muqdisho ee la filayo in uu berri dhaco 11ka Janaayo 2024 ayaa sheegay in isusoo-baxaas uu yahay mid lagu muujinayo dareenka ummadda Soomaaliyeed.

Fiqi ayaa sheegay in Itoobiya ay wadato qorshe damac gurracan ah oo ka wayn heshiiska isla markaana Kaniisadaha & qaybo kala duwan oo katirsan Dalkaas laga billaabay sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen boobka ay damacsan yahay.

Soomaalida meel weliba oo ay joogto ayuu usoo jeediyay Axmed Fiqi in ay ka dhiidhiyaan gardarrada Itoobiya si looga hortago damaceeda gurracan sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS oo Warbaahinta la hadlay.

“Waad arkayseen Kaniisadaha Itoobiya oo leh Saylac aan qof u magacaabano, arrintaan way ka wayn tahay heshiis oo waxa ay taabanaysaa Diin, Dal & Dad, waa in aan maalinta khamiista 11ka Janaayo 2024 isusoo baxno oo aan muujino dareenkeenna, waa in aan la yaraysan damaca Abiy ee ku hadaaqi jiray in uu samaystay bad oo ay xaq u leeyihiin in ay bad helaan” ayuu yiri Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dibadbax ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso in qayb kamid ah badda Soomaaliya ku qaadato iyada oo qiil ka dhiganaysa heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuse Biixi Cabdi.

WARARKA