spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} NISA oo qabtay Shabakad la sheegay in AS katirsan yihiin

Talado jan-9 2024-{HMC} Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxa ay ku qabteen xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Teleifshinka afka dowladda ku hadlaya ayaa baahiyay in ciidamada qabteen xubno Shabakad ah oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo kusii jeeday gobolka Galgaduud qeybo kamid ah oo ay ku xoogan yihiin kooxda Al Shabaab.

Raggan la xir xiray ayaa saraakiisha ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya sheegeen in ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, waxa ayna xuseen ciddii ambi lagu helo in la horgeyn doono caddaaladda.

Ciidanka NISA ayaa marar badan qabtay dad la sheegay in ay kusii jeedeen deegaannada ay kataliyaan kooxda Al Shabaab iyo sidoo kale gaadiid agabyo kala duwan u waday deegaannada Al Shabaab wali maamulaan.

WARARKA