spot_imgspot_imgspot_img

Cali Guudlaawe oo Xulka Hir-Shabeelle metalaya ugu baaqay in ay koobka ku guulaystaan.

Talado jan-9 2024-{HMC} Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo kulan dhiirragelin ah la qaatay Cayaartoyda Xulka Dowlad-Goboleedkaas metalaysa ayaa ugu baaqay in ay sanadkaan gacanta ku dhigaan koobka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Macallimiinta, Ciyaartoyda, Howlwadeennada & dhammaan dadka u xilsaaran tartankaan ee metalaya Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayuu Cali Guudlaawe usoo jeediyay in ay si dhiirran ugu istaagaan ku guulaysiga Koobkaan.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in garab-istaaggooda uu yahay mid joogta ah & dhiirragalintooda sidaas awgeed loo baahan yahay in isku xirnaan iyo kalsooni buuxda ay muujiyaan metalayaasha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Hir-Shabeelle oo haysata 4 dhibcood ayaa cayaar wanaagsan kusoo bandhigtay Garoonka Cayaaraha Muqdisho labadii kulan ay kahortageen dhiggooda Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug, maanta waxa ay wajahayaan Jubbaland oo aanay haysan wax dhibic ah.

WARARKA