spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland

isniin jan-8 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid

Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni

buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga

go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga

Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd

doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed

WARARKA