spot_imgspot_imgspot_img

DENI iyo musharraxiinta kale oo saxiix laga qaaday kahor natiijada doorashada

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Waxaa haatan si rasmi ah u bilaabatay codeynta doorashada madaxweynaha Puntland, taas oo ay ku loolami doonaan illaa 11 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Hoolka doorashada ayaa waxaa diyaar ah musharraxiinta tartameysa, xidlhibaannada Puntland, guddoonka golaha, wasiiro, saraakiisha amniga, safiiro iyo marti sharaf kale.

Dhammaan musharaxiinta ayaa inta aysan bilaaban doorashada waxaa laga saxiixay warqad ay ku caddeynayaan inay aqbalayaan natiijada, haddii laga guulaysto.

“Aniga oo ah musharrax Saciid Cabdullaahi Deni, una tartamayo xilka madaxweynaha dowladda Puntland waxaan halkan ku caddeynayaa inaan aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha Puntland oo aan u tartami doono, waana saxiixay”” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni oo loolan adag kala kulmaya isbaheysiga mucaaradka.

Dhanka kale waxaa xilka madaxweyne ku xigeenka u tartamaya 11 musharrax kale oo iyaguna u hanqal taagaya qabashada xilkaasi, kuwaas oo iyana ballan qaaday inay aqbalaan natiijada doorashada haatan ka socota magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Dhammaan musharraxiinta ayaa shalay khudbadahooda iyo barnaamijkooda wax qabad ka hor jeediyay xildhibaannada, waxaana maanta la filayaa in lagu kala baxo doorashada.

Madaxweynaha cusub ee imaan doono ayaa noqonaya kii todobaad ee soo mara Puntland oo haatan jirsatay 25 sano, waxaana laga sugayaa inuu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ammaanka guud ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogay magaalada Garoowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.

WARARKA