spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Wakiillada DG Puntland oo maanta Dooranaya Madaxweyne & Ku xigeenkiisa.

Isniin jan-8 2024-{HMC} Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa maanta dooranaya Madaxweynihii 7aad ee Dowlad-Goboleedkaas iyo ku xigeenkiisa waxaana u tartamaya musharrixiin kasoo gudubtay shuruudihii la hordhigay.

Saacadihii u dambeeyay Magaalada Garoowe waxaa ka socday kala xod-xodashada Xildhibaannada Codaynaya si musharrax weliba uu u helo codad uu kusii tashanayo kahor inta uusan gelin hoolka doorashada ka dhacaysa.

Sidoo kale Musharrixiinta dhexdooda ayaa kulamo ka yeeshay sidii ay iskaashi u samayn lahaayen si qofkii ugu codad badnaado uu codadkoodu u heli lahaa xubnaha qarka u saaran in ay ka haraan wareegga xiga ee doorashada.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee Magaaladaas iyada oo ciidamo la dhigay waxaana dhammaan la fasaxay goobaha waxbarashada halka la xiray goobaha Ganacsiga.

Dadka Puntland ayaa hadal-haya cidda ku guuleysan doonto hoggaaminta Dowlad-Goboleedkaas 2024 ilaa 2029ka maadaama musharrixiin aan kala yaraysan loolankooda ay ku tartamayaan codbixinta Baarlamaanka.

WARARKA