spot_imgspot_imgspot_img

General Jimcaale oo soo dhaweeyay mudanyaasha Cusub ee Golaha Wakiilada

Axad jan-7 2024-{HMC} Taliyaha Ciidamada Kumaandoosta Danab Puntland General Jimcaale Jaamac Takar ayaa fariin adag u diray Wakiilada cusub ee Baarlamanka Puntland, wuxuuna carabka ku dhuftay in shacabka Puntland ay ka dhursugayaan isbedel ka dhaca dalka.

Waxaan xusuustaa in dalka uu soo maray khilaaf iyo marxalado adag, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay mudanayaasha cusub ee baarlamaanka, isagoo u rajeeyay inaysan la mid noqon kii shanaad.

“Madaxweynihii hore ma ahayn nin nabadeed, balse dhowr dhibaato ayuu dalka ka abuuray, sidaas darteed shacabka Puntland waxay ka sugayaan baarlamanka 6-aad isbedel dhab ah oo farxad geliya.” ayuu yiri Jeneraalka

Jeneraalka ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka 6-aad uu ku kalsoon-yahay in ay badbaadin doonaan Puntland, isla markaana aysan wax dagaal ah ku xalin doonin khilaafaadyada siyaasadeed sida baarlamaanka 5-aad.

WARARKA