spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaan reer Awdal ah ‘oo dambiile qaran’ ku tilmaamay MUUSE BIIXI

Axad jan-7 2024-{HMC} Xildhibaan Maxamed Xuseen (Maydhane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doorto gobolka Awdal ayaa si adag uga horyimid heshiis beeneedkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xildhibaan Maydhane ayaa marka hore dambiile qaran ku tilmaamay madaxweyne Muuse Biixi oo isagu Itoobiya u saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo ku dhowaaqay in reer Awdal difaacayaan baddooda.

“Ma aqbalayno hadaa reer Awdal nahay hadduu qof naga hadhayo. Marnaba ma aqbaleyno inta uu qof naga nool yahay in badda laga kireeyo ciddii damacaa ee dooneysa ee xoogga ku qaadaneysa, in laga kireeyo ama laga iibiyo marnaba ma aqbaleyno,” ayuu yiri Xildhibaan Maydhane.

Waxa uu intaas kusii daray “Caalamka kale waa laga kireyn karaa oo waa maalgashan karaan, laakiin ninkii hantidaada doonaya oo xoog ayaa ku qaadanaya ku cadeeyay, in aad tiraahdo heshiis ayaa lasoo galo ictiraaf ayaa ku bedeshay, oo umadda been loo sheego.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ictiraaf lagu bedelin karin dhul, islamarkaana ay Itoobiya u hayn Somaliland ictiraaf, taasi oo uu ku tilmaamay mid lagu socodsiinayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya.

“Waxba ma aqoonsan karto Itoobiya, nin isaguba ku dhaamin ayaa ictiraaf kasoo siistay ma aqbalayno haddaan reer Awdal nahay hadduu qof naga hadhayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Maydhane.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntiina taageeray banaanbax weyn oo maanta ka dhacay magaalada Boorama, kaasi oo looga soo horjeeday heshiiskii Addis Ababa ee dhawaan uu Muuse Biixi qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya ugu saxiixay Itoobiya.

Dibad-baxaas oo ahaa mid nabdoon, oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee baddeena, ayaa waxaa guul-dareystay isku-day ay ciidanka Booliska ku rabeen in ay ku joojiyaan dibad-baxaan oo ay ku kala kaxeeyaan dadweynaha, maadaama dad aad u tiro badan isku soo baxeen.

Si kastaba, heshiiskaasi ayaa la kulmay diidmo xooggan, ayada oo si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

WARARKA