spot_imgspot_imgspot_img

SOMA oo Cambaareysay Weerar xarig iyo jirdilka ay ciidanka Soomaaliland u geysteen Howlwadeenada MMTV

Axad jan-7 2024-{HMC} Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxa uu cambaaraynayaa xariga iyo jirdilka ciidanka Soomaaliland ay kula kaceen Guddoomiyaha Warbaahinta MM Somali TV Maxamed Cabdi Ilig, Wariye Maxamed Andar iyo Ilyaas Cabdinaasir oo lagu xiray magaalada Hargeysa.

Xilliga Wariyayaasha dhibka loo geystay saxafiyiinta waxa ay toos ugu jireen dood ku saabsan heshiiskii badda ee dhawaan uu Madaxweyne Biixi la saxiixday Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abey Axmed.

Majirin wax wargilin ah oo ay la sameeyeen Ciidamada Soomaaliland madaxda MM Somali TV oo la xiriirto wax ay ka cabanayaan.

Somali Media Association -SOMA waxa aad uga xuntahay ayna macbaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta warbaahinta MM Somali TV iyo howlwadeenadeeda,falkan waxaa ay SOMA u aragtaa mid lagu cuburinaayo Warbaahinta Madaxabanaan.

Gabagabadii SOMA waxaa ay ku baaqeysaa in Soomaaliland ay ilaaliso badaxbanaanida warbaahinta iyo xuriyada hadalka ,Sharuud la aana lagu siidaayo Saxafiyiinta sida sharci darada ah loogu xiray Magaalada Hargeysa.

WARARKA