spot_imgspot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo halyey ku tilmaamay Abaanduule Cabdi Suulnuug oo maanta la dilay

Sabti jan-6 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) Abaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo AS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuumka Halyay u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorkii muhiimka ahaa uu ku lahaa ciribtirka kooxaha as, taas oo tusaale wanaagsan u ah dadkaaga iyo dalkaaga oo aad naftaada u hurto.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee GorGor, kaas oo ahaa Halyay si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Kawaarijta ah”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey, isaga oo dalkiisa ka difaacaya cadowga argagaixisada ah ee ku soo duulay.

WARARKA