spot_imgspot_imgspot_img

WAR DEG-DEG AH: Taliye Suulnuug oo lagu dilay dagaal ka dhacay Gobalka Mudug.

Sabti jan-6 2024-{HMC} Allaha u Naxariisto Abaan duulihii Guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, gaashaanle Cabdi Suulnuug, ayaa la xaqiijiyay in uu ku geriyooday Dagaal culus oo maanta ka dhacay Mudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in taliyaha uu markii hore soo gaaray dhaawac, kadibna uu u geeriyooday mar dambe rasaastii haleeshay.

Suulnuug ayaa muddo ku sugnaa furimaha dagaalka, wuxuuna wax ka xoreeyay deegaano badan, sida degmada Aadan Yabaal iyo magaalooyink kale oo ku yaalla gobollada dhexe.

WARARKA