spot_imgspot_imgspot_img

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Puntland Oo La Magacaabay

Jimco jan-5 2024-{HMC}  Baarlamanka Puntland ayaa soo saaray Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Puntland oo dhacaysa maalinimada Isniinta.

Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Puntland oo guddigan soo magacaabay wuxuu gudoomiye uga dhigay xildhibaan Cabdi Wali Yuusuf Warsame.

Guddiga oo todobo xubnood ka kooban wax dumar ah kuma jiro.

In ka badan 10 musharrax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana la filayaa in wax toban ka yar ay galaan xarunta doorashada.

 

WARARKA