spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo duqeeysay Degaannada Rafah & Khan Younis

Jimco jan-5 2024-{HMC} – Ugu yaraan 32 ayaa lagu dilay Khan Younis halka 5 lagu dilay Rafah, sida laga soo xigtay ilo maxalli ah iyo wakaalada wararka Falastiin ee Wafa.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in howlgallada koonfurta Gaza, oo ay ku jiraan duqeynta xeryaha qaxootiga iyo hore loogu dhawaaqay ‘goobo nabdoon’ oo rayid ah, ay sii socon doonaan.

 

Duqeyntaan ay weli Ciidamada Israa’iil ka geysanayaan Magaalada Qasa iyo degaannada ku dhow dhow ayaa kusoo aadaya xilli Israa’iil ay ku adkeysaneyso inay sii wadeyso duqeymaha, balse Mareykanka uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay gargaar u heli lahaayeen Shacabka falastiiniyiinta.

WARARKA