spot_imgspot_imgspot_img

Mowqifka Dalalka Islaamka ee heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee Biyaha Somaliya

Khamiis jan-4 2024-{HMC}  – Bayaan culus oo kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, isla markaana ay qayb ka tahay Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii muranka dhaliyay ee ay kowdii bishan Addis Abaab ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Ururka OIC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku caddeeyay sida ay u diidan yihiin is af-garadkii dhex maray maamulka Somaliland yo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay Somalia.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Xuseen Ibraahim Daaha ayaa shaaca ka qaaday in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida dhuleed Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubinta ka ah OIC si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah,ka dib Heshiiska Isfahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland,waana in la ilaaliyo lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tani ayaa noqoneyso tallaabo kale oo guul diblomaasiyadeed ah oo ay gaartay dowladda Soomaaliya oo haatan ay is hayaan Itoobiya, kadib damacii Abiy Axmed ee baddeenna.

Soomaaliya ayaa guullo waa weyn kasoo hoyneyso fagaarayaasha caalamka sida dalalka saaxibada la ah iyo ururada calaamiga ah ee ay xubinta ka tahay, kadib heshiiska badda ee Isniintii lagu gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddanka Itoobiya.

[contact-form][contact-field label=”Name” type=”name” required=”true” /][contact-field label=”Email” type=”email” required=”true” /][contact-field label=”Website” type=”url” /][contact-field label=”Message” type=”textarea” /][/contact-form]

Horay waxaa sidaan oo kale uga hadlay arrintan xasaasiga ah, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka iyo waddamo kale oo waa weyn.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo arrintan ka duulaya ayaa xiriir toos ah la sameeyay Amiirka dalka Qatar iyo madaxweynaha Masar oo uu kala hadlay arrimo soo kordhay, gaar ahaan inay kasoo horjeestaan heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Dhammaan tallaabooyinkan waxa ay xoojinayaan go’aanada dowladda Soomaaliya uga soo horjeesatay xadgudubka Itoobiya ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda soo cusboonaatay ee Soomalaiya iyo Itoobiya ayaa kasii dareysa, waxaana sidoo kale isaga soo taraya walaaca ay muujiyaan dalalka gobolka iyo caalamka.

WARARKA