Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo heegan buuxa gelisay ciidamada badda.

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda badda, kadib heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee kowdii bishan ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo abuuray xiisad diblimaasiyadeed oo weyn.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow oo maanta kormeeray ugu tegay ciidanka badda ayaa siiyay amar culus oo ku aadan difaaca biyaha Soomaaliyeed.

Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha ah iyo cadow shisheeye oo u hanqal taagaya baddeenna.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

WARARKA