spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo Shir deg deg ah isugu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ee joogo Muqdisho.

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maanta Shir deg deg ah isagu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka u joogo Soomaaliya ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Siihaayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa Warbaahinta u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.

 

Shirkan ay iskugu yeertay Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjirayaasha Soomaaliya Joogo ayaa waxa uu ku so beegmayaa Xili Dhawaan Dowlada Itoobiya ay Soomaaliland ka saxiixatay in la siiyo qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

 

WARARKA