Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Farmaajo oo si adag ugu hadlay Heshiiska ay galeen Itoobiya iyo Somaliland

Talaado jan-2-2024-{HMC} Heshiiska galabta ku gaareen magaalada Adis Ababa dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa dhaliyay dhaleeceyn badan oo dhinaca siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne hore Farmaajo iyo madax kale ayaana si kulul u dhaleeceeyay heshiiskan wax u dhimaya qaranimada Soomaaliya ee maamulka Somaliand la galeen dowladda gumeysi doonka ah ee Itoobiya.

Halkan ka akhriso qoraal uu arrintan uga hadlay Farmaajo

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenn

WARARKA