spot_imgspot_imgspot_img

Booliska Kenya oo raadinaya xubno ka tirsan AS oo Weeraro fuliyay

Axad Dec-31-2023-{HMC} Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Mandheera ee Dalka kenya ayaa ku raad jooga ugu yaraan 20 qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidda ay warisay Warbaahinta.

Dagaalameyaashan la tuhunsan yahay in ay gacan-saar la leeyihiin xoogaga taabacsan Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday xero boolis oo ku taalla deegaankaas ka hor inta aysan baxsan.

Maleeshiyada oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in subaxnimadii Jimcaha ay ku soo dhawaadeen Xerada Quick Response Unit (QRU) ee Ciidanka Birmadka ee Waqooyi Galbeed.

Dabley ayaa, sidda ku xusan xogta ay bixiyeen laamaha ammaanka dalka Kenya, waxay ka soo rasaaseeyeen xerada meel 100 mitir u jirta ka hor inta aan la iska caabin dableydaas.

Kooxda ama Dableydan oo tiradooda ay gaareyso ugu yaraan 20 ruux ayaa la sheegay in ay usoo baxsadeen dhanka Soomaaliya.

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa timid kadib weeraro is xigxigay oo inta badan lala beegsaday xeryo boolis oo ku yaala deegaankaas oo ay fuliyeen kooxo isku mid ah.

Bishii Agoosto, saraakiishu waxay fashiliyeen isku day weerar oo ka dhacay xerada Elram oo ay maamulayeen saraakiil ka tirsan guutadda ASTU ee ka hortagga argagixisadda.

Kororka Weerarada argagaxisada ah ee ka dhacaya waddanka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen wadanka dariska la ah ee Soomaaliya sanadkii 2011-kii

 

 

WARARKA