spot_imgspot_imgspot_img

Xulka Hirshabelle oo dacwad ka gudbiyey Ciyaaryahan ka tirsan Galmudug.

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Xulka Hirshabelle ayaa guddiga tartanka Maamul goboleedyada u gudbiyey dacwad ka dhan ah Xulka Galmudug oo ay ku eedeeyeen inuu u saftay kulankii shalay ciyaartoy loo diiday iney ka qeyb qaataan tartankan.

Xiddiga Galmudug u dhaliyay Goolka rigooraha ahaa Cayaaryahan Mohamed Said Adan (Xeyraan) ayaa ka mid ah ciyaartoyda aan sharcigu qabin inay ka ciyaaraan Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sida xeerka lagu maamulayo tartankan uu sheegayo kaasoo mamnuucaya inuusan ciyaari karin ciyaaryahan Qurbojoog ah oo ka ciyaaray Horyaal Heerarkiisa 1,2,3aad .

Hirshabelle ayaa ka cabaneysa in ciyaaryahan Xeyraan uu ciyaaray Horyaalka heerka 2aad ee dalka Sweden, waxayna Hirshabelle codsatay in arintaas talaabo laga qaado.

WARARKA