spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa ka Soo kordhay Kiiska maxkamada ee madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya?

Sabti Dec:-30-2023-{HMC}  Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maxkamadda ka hor sheegay in marqaatiyaashii difaacayay ay xireen oo ay garaaceen ciidamada booliiska dalkaas

 

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyay dhageysiga dacwadda mid ka mid ah marqaatiyaasha Cabdi oo horey u laalay eedeymaha loo heysto, balse hadda dib loo bilaabayo

 

Waxaa uu sheegay in shan ka mid ah dadkii marqaatiyada u ahaa sadex maalin kadib xabsiga loo taxaabay markii ay maxkamada ka baxeen

 

Afar ka mid ah shanta marqaati ee la sheegay in ay booliisku gacanta ku hayaan ayaa la dhaariyay si ay ugu marqaati furaan maxkamadda maalintii Talaadadii, sida uu BBC-da u sheegay qof ku si dhow ula socada kiiska dacwadd ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida

 

Bishii Agoosto ee sanadkii hore, ayaa Cabdi Maxamed waxaa lagu amray inuu iska difaaco eedeymaha ka dhanka ah Maxkamadda Sare ee Federaalka Itoobiya gaar ahaan Qeybta 1-aad ee La-dagaalanka Argagaxisada iyo Dastuurka

 

Cabdi Maxamuud Cumar, oo muddo siddeed sano ah hoggaaminayey Deegaanka Soomaalida ayaa wajahaya dacwad uu xeer ilaaliyuhu u soo bandhigay oo ay ahayd in ay iska difaaco taas oo ah “kacdoon hubeeysan oo uu sameeyay iyo dambi uu ka galay dawladda oo ah in uu hurinayay dagaal sokeeye

 

Cabdi Maxamed waxa uu maxakamadda keenay ilaa 128 marqaatiyaal ah kuwaas oo difaacayay, bishii hore ee November waxaa bilaabatay dhageysiga marqaatiyaasha, iyadoo ilaa Talaadadii isbuucii hore la dhagaystay 23 marqaati

 

Qof ka mid ah dadkii daawanayay dhageysiga dacwadda ayaa BBC Amharic u sheegay in marqaatiyaasha kale ee dhiman dhawaan la dhagaysan doono

 

“Marqaatiyaasha ayaa la dhaariyay markii ay hor yimaadeen maxkamadda, magacyadooda iyo maqalkoodana la duubay” ayuu yir mid ka mid ah dadka goobjoogga ahaa oo BBC-da la hadlay

 

Codsi loo gudbiyay maxkamadda ayaa lagu sheegay in “Marqaatiyaal la xiray lana garaacay kadib markii ay maxkamada horyimaadeen oo ay dhaarteen”

 

Mid ka mid ah marqaatiyaasha la sheegay in ay boolisku xireen ayaa horay waxaa loogu soo oogay docwad la mid ah mid loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa la laalay eedeymihiisii saddex sano iyo siddeed bilood ka hor

 

Intaas kadib waxaa loo diwaan galiyay in uu marqaati u yahay Cabdi Maxamuud, ka dib markii la soo afjaray kiiskiisa, wallow xabsiga lagu sii hayay in muddo ah sida uu BBC-da u sheegay qofka xog ogaal u ah kiiska ka dhanka ah madaxweynhihii hore

 

Kadib markii uu Cabdi Maxamuud Cumar u gudbiyay maxkamadda codsi uu ku sheegay in la xiray marqaatiyaashiisa, Taliska Booliska Addis Ababa iyo Booliska Federaalka ayay maxkamaddu ku amartay inay kasoo jawaabaan sababta marqaatiyaasha loo xiray

 

Booliiska Addis Ababa ayaa maxkamadda u sheegay in uusan jirin qof marqaati u ahaa madaxweymihii hore ee Dowladda Deeganka Soomaalida oo ayaga u xiran

 

“Ma jiro maxbuus noo xiran marqaatiga 23-aad waaxaa haysta oo uu u xiran yahay booliiska federaalka,” ayaa lagu yiri jawaabta taliska booliska magaalada Adis Ababa

 

Qareennada u doodaya Cabdi Maxamuud ayaa yiri “Go’aanka lagu sii wadi doono dacwadda loo haysto mid ka mid ah marqaatiyaasha difaacayay Cabdi waxaa ay xadgudub ku tahay dastuurka, sidaas darteed waa in la diidaa”. “Xuquuqda aan u leennahay in aan is difaacno waa in aan la carqaladayn,” ayuu yir

 

Qareenka ayaa intaa ku daray in eedaysane Cabdi uu xaq u leeyahay in uu is difaaco sida uu qabo dastuurka

 

Sida uu qabo dastuurka dalka Itoobiya, dadka la soo eedeeyo “Waxay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan ama ay keenaan maxakamadda caddaymo ay isku difaacayaan, iyo inay codsadaan in marqaatiyaashooda la horkeeno lana dhageysto,”

 

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shan sano ka hor loo xiray shaqaaqadii ka dhacday magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

WARARKA