spot_imgspot_imgspot_img

Xayiraad lagu soo rogay xawaalado dhowr ah

Jimco Dec:-29-2023-{HMC} Mareykanka ayaa cuna-qabatayn ku soo rogay shirkado dhinaca xawaaladaha lacagta ah, oo laga kala leeyahay Turkiga iyo Yemen, kadib markii lagu eedeeyey inay gacan ka geysteen lacagaha loo dirayo kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh Iran.

 

Kooxdan ayaa lagu eedaynayaa weerarada ay ku qaaddo maraakiibta ganacsiga ee maraya dhinaca Koonfureed ee Badda Cas.

 

Shirkadaha lagu soo rogay cuna-qabataynta ayay ku jiraan qaar ku yaalla Sanca, iyo saddex xarumood oo dhinaca sarrifka lacagaha ah oo ku kala yaalla Turkiga iyo Yemen.

 

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku eedaysay in shirkadahan iyo shakhsiyaadka ku lug lehiba ay gacan ka geysteen in lacag malaayiin doollar ah loo xawilo kooxda Xuutiyiinta, iyada oo la raacayo tilmaamaha Sa’id al-Jamal oo ah fududeeye dhinaca maaliyadda ah oo u dhashay dalka Iran. Sa’id ayaa ka mida dadka cuna-qabatayntu saaran tahay.

 

Cuna-qabatayntan ayaa ka hor-istaagaysa shirkadahan iyo shakhsiyaadkani inay la baxaan hantida ka taalla Maraykanka iyo xataa lacagaha u yaalla baananka, isla markaana waxay ka hor-istaagaysaa inuu ganacsi dhexmaro shirkadaha ay leeyihiin muwaadiniinta Maraykanku.

 

Tallaabadan ay qaaday dawladda Maraykanku ayaa ah, tii ugu dambaysay ee ay ku bartilmaameedsanayso kooxda Xuutiyiinta.

 

Bilawgii bishan, waxaa Maraykanku ay ku dhawaaqeen cuna-qabatayn lagu soo rogay illaa 13 qof iyo shirkado lagu eedeeyey inay xuutiyiinta gaadhsiiyeen, alaabooyin ku kacaya tobanaan milayn oo dollar oo ka yimi dalka Iran.

WARARKA