spot_imgspot_imgspot_img

Israel oo dagaal xuduudeedka uga digtay Xisbullah iyo Lubnaan

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Wasiir ka tirsan Israa’iil ayaa ka digay in Israa’iil ayaa ku dhaqaaqi doonta sidii ay Xisbullah uga saari lahayd xadka ay la wadaagto Lubnaan, haddii ay sii socdaan weerarrada kooxda maleeshiyada ah.

Benny Gantz ayaa sheegay in militariga Israa’iil ay soo faragelin doonaan haddii ay xagjiriintu joojin waayaan rasaasta ay ku soo ridayaan waqooyiga Israa’iil.

Waqtigii xal diblumaasiyadeed wax lagu xalin lahaa ayaa sii dhamaanayay, ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, madaxa ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadu ay aad ugu diyaar garoobeen dagaallo kale oo ka dhaca waqooyiga.

“Hawsheenna ugu horreysa waa inaan soo celinno amniga iyo dareenka amniga dadka deggan waqooyiga, tanina waxay qaadan doontaa waqti,” ayuu yiri taliyaha guud Lt Gen Herzi Halevi, ka dib markii uu sameeyay “qiimeyn xaaladeed”.

Rasaasta la isku weydaarsanayaan xudduudaha ayaa sii kordhayay tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.

WARARKA