spot_imgspot_imgspot_img

Isimmada Dhaqanka SSC- Khaatumo oo lagu eedeeyay in ay carqaladeeynayaan doorashooyinka Puntland

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC} Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah Isimmada SSC- Khaatumo ay soo xusheen xildhibaanada beelahooda ku matalaya baarlamaanka cusub ee Puntland.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay, in isimmadu aanay kaligood lahayn awoodda soo xulidda baarlamaanka. Wuxuu sheegay cuqaasha beeluhu inay usoo gudbiyeen dadka ay doonayaan inay u saxiixaan xubinta baarlamaanka.

wuxuu ku tilmaamay go’aanka Isimmada SSC- Khaatumo Wasiir Caydiid in uu yahay mid aan sax ahayn, wuxuuna sheegay odayaashu inay ka taliyeen in Puntland qalalaaso la galiyo, Muuse Biixina uu mar kale duullaan kusoo qaado degaanada SSC- Khaatumo.

Sidoo kale waxa uu yiri Wasiir Caydiid “alada Isimmada SSC- Khaatumo ma ay ahayn talo la qaadan karo oo lagu guuri karo. Laakiin, odayaashu ciriiri markaas haystay ayay isaga furfurayeen. In badan oo kamid ahna taladaas way ka qoomameeyeen, waxayna qireen inay dhallinyarada makarafoonada la hor istaagnayd ay isaga kala dirayeen,”.

Wasiir Caydiid iyo xubno kale oo katirsan golaha xukuumadda madaxweyne Deni oo kasoo jeeda SSC- Khaatumo ayaa lagu wadaa inay kasoo dhex muuqdaan liiska cusub ee baarlamaanka Puntland.

Shalayna, musharraxiinta ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu boobayo kuraasta SSC- Khaatumo, iyagoo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen guddiga xallinta khilaafaadka.

WARARKA