spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kulan loogu ducaynayey Marxuum Khadiija Diiriye oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Khamiis -Dec:-28-2023-{HMC}— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka marxuum Khadiija Maxamed Diiriye ay ahayd hooyo lagu soo hirto, maddaale ku firfircoon shaqooyinka Qaranka iyo qof nolosheeda oo dhan u soo hurtay dowladnimada Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey kulan loogu ducaynayey marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in muddooyinkii u danbeeyey ay marxuumaddu ku howlanayd sidii hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed loo badbaadin lahaa, taas oo kamid ahayd wax yaabihii wanaagsanaa ee lagu xasuusan doona intii ay nooleyd marxuumaddu.

 

Kulanka Ducada ayaa lagu soo bandhigay sooyaalkii nololeed ee Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye, iyada oo ay dadkii kulanka ka hadlay dhammaantood tilmaameen in marxuumaddu ay ahayd qof naxariis badan oo ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegtay si daacad ah.

 

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ku-xigeennadiisa, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo ehelka ay marxuumaddu ka baxday.

DHAMMAAD

WARARKA