spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo ku kulmay Dalka Jabuuti?

Khamiis December-28-2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib u ambaqaadaya wadahadallada Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa manta kulan iskugu keenay labada Madaxweyne ee Muuse biixi iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa manta gaaray wadanka jabuuti siu u uga qeybgalao ama uu usii wado dadaalada lagu raadinaayo xalka.

 

Dhinaca kale Wafdiga Soomaaliland ee manta ka so ambabaxay Magaalada hargeysa waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaana qeyb ka ahaa xubno ka tirsan xukuumadiisa.

 

Labada dhinac ayaa maanta si toos ah u bilaabay wadahadaladooda iyadoo ay gar wadeeyn ka tahay dowladda Jabuuti.

WARARKA