Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ku Wajahan dalka Jabuuti

Khamiis December-28-2023-{HMC} Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyaga oo kusii jeeday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal.

Safarka shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa muddo kooban qaadan doona, waxana ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye {Toorno}, Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi ayaa sannadkii hore ugu kulmay magaalada Jabuuti, xilligaas oo labada madaxweyne Jabuuti u tageen ka qeyb galka Munaasabad ka dhaceysay dalkaasi.

WARARKA