spot_imgspot_imgspot_img

Waa kuma taliyaha sare ee Iiraan looga dilay gudaha Suuriya?

Arbaco December-27-2023-{HMC} Madaxweynaha Iiraan Ibraahim Raisi aya ku hanjabay dalkiisu inuu ka aargoosan doono dilka taliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan kaas oo ka dhacay dalka Suuriya, isla markaana lagu eedeeyay in ay ka danbeeysay Israa’iil.

War qoraal ah oo laga soo saaray dilka Razi Mousavi oo ka mid ahaa taliyayaasha ugu sarreeya ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayuu Madaxweyne Ibraahim Raisi carabka ku adkeeyay in “Israa’iil ay ka shaleyn doonto danbiga dilka mas’uulka sare”.

Xussen Amir Abdollahian, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sidoo kale ugu hanjabay Israa’iil in ay tallaabo ka qaadi doonaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter.

Sidoo kale bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in Sarreeye Guuto Razi Mousavi, oo ahaa taliyaha ugu sarreeya ciidanka Iiraan ee Suuriya ku sugan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mousavi uu ahaa lataliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo in uu si gaar ah “mas’uul uga ahaa taageeridda jabhadda iska caabbinta” ee Suuriya.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku tilmaamay Israa’iil in qaadi doonto mas’uuliyad weerarkana ayna qaadi doonaan cawaaqibka ka dhasha arrintaan.

Razi Mousavi iyo Qassem Soleimani

Telefishinka qaranka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in Mousavi lagu bartilmaameedsaday “saddex gantaal” oo ku dhacay deegaanka Saynabiyaha ee magaalada Dimishiq, waxaana uu baahiyay muuqaalo muujinaya qiiq aad u xoogan oo ka baxaya goobta uu gantaalku ku dhacay.

Xuseen Akbari, safiirka Iran ee Suuriya, ayaa sheegay in Mousavi uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaalla dhismaha safaaradda Iiraan ilaa 2:00 duhurnimo, ka dibna uu aaday gurigiisa.

Sida laga soo xigtay safiirka Iiraan, guriga Mousavi ayaa la beegsaday 3:00 PM, waxaana meydkiisa lagu tuuray daaradda guriga.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in weerarkaan lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo gacansaar la leh Iiraan iyo Xisbullaah.

Israa’iil kama aysan hadlin arrintan, laakiin Nasir Kanani, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, isagoo cambaareeyay Israa’iil, wuxuu ku nuuxnuuxsaday xaqa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah u leedahay inay “qaadato tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay uga jawaabto tallaabadan waqtiga iyo goobta saxda ah”.

Arday ka tirsan Jaamacadda Teran oo ku taal meel ka soo horjeedda xarunta Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa dhigay isku soo bax ay ku dalbanayaan in loo aaro sarkaalkan.

Waa kuma Razi Mousavi?

Wuxuu mas’uul ka ahaa isku-dubbaridka isbahaysiga milatari ee u dhexeeya Suuriya iyo Iiraan, waa uu ahaa hoggaamiyaha qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda gobolka ee Iran xulafada iyo wakiillada bariga dhaxe.

Mousavi waxaa uu ahaa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu da’da weyn ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, wuxuuna ka shaqeynayay dalalka Suuriya iyo Lubnaan ilaa 80-meeyadii.

Waxaa la sheegay in Razi Mousavi uu taariikh dheer ku lahaa dalka Suuriya, wuxuuna xiriir dhow la lahaa Qassem Suleeymaan , taliyihii hore ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabcday wakaaladda wararka Iiraan, waxaa uu ka mid ahaa saraakiil la socotay Qassem Suleeymaan, kaasoo lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ka fuliyeen Ciraaq 2020.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mid ka mid ah ciidamada Iiraan ee fadhigoodu yahay Suuriya la dilo.

Dhowr jeer oo hore, tiro ka mid ah ciidamada la taliyayaasha Iiraan ayaa lagu dilay Suuriya, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen taliyayaal sare.

WARARKA