spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliland oo amaro ku soo rogtay Television Universal

Arbaco December-27-2023-{HMC} Soomaaliland ayaa Television Universal xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ku amartay in uu joojiyo doodo uu qaban jiray oo ay sheegtay in ay lidi ku yihiin anshaxa suuban iyo dhaqanka.

 

Amarkan manata kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in muuqbaahiyahan laga mamnuucay doodo uu in mudo ahba qabanayay, kuwaasi oo ku sal lahaa arrimaha qoyska, kuwaasi oo bulshadu ay fikrado kala duwan ka qabeen waxtarkooda iyo waxyeeladooda.

 

Television Universal ayaa dhawaan qabtay dood ku sal leh qabiil iyo qoomiyado, isaga oo baahiyay dood lagu falanqaynayay qaybo kamid ah qabiilada Soomaaliyeed iyo qoomiyada Oromada, taasi oo ay xukuumadu ku tilmaantay wax anshaxa ka baxsan.

 

HOOS KA AQRI AMARKA AY SOMAALILAND KU SO ROGTAY UNIVERSAL TV

WARARKA