Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

M / G/ Banaadir oo xiray shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda Muqdisho

Talaado December-26-2023-{HMC} Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolka sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkaste oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

Maalmihii lasoo dhaafay cabasho xooggan ayay Muujiyay bajajleyda ka howlgala Caasimadda, waxaana farriin adag ay u direen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale iyo masuuliyiinta kale ee dowladda Somalia.

Ugu dambeyn maamulka ayaa qaaday tallaabooyin dib loogu eegayo Cabashooyinka Bajaajleyda iyo cidda ka qaadda lacagaha ay ka cabanayaan, waxaana haatan maamulku uu sheegay inuu gacanta ku dhigay Shirkado ku howlanaa qaadista lacagaha baadda ah ee ay ka cabanayaan Bajaajleyda Muqdisho.

WARARKA