Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kulan U Dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Gudoonka Baarlamaanka Oo Baaqday

Talaado December-26-2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu baaqday kulan dhexmari lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore oo maalmahan kulamo isdaba joog ah u socdeen.

Lama oga sababta keentay in uu kulanka baaqdo, laakiin ilo ku dhowdhow Xubnaha mucaaradka ah ayaa sheegay in kulanka loo baajiyay cudurdaar ka yimid dhanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Warar kale waxey sheegayaan inuu kulanka u baaqday cadaadis Madaxweynaha kaga yimid qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada iyo Xisbiga Madaxweynaha oo kulanka ku tilmaamay shirqool marqaati gelin dadban ah.

Lama oga xiliga uu kulankan qabsoomi doono, waxaana haatan caasimadda ka socda kulamo gaar gaar ah oo lagu qancinayo Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

WARARKA