Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Hoobiye lagu Garaacay Xaafad ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Khasaare ka dhashay

Arbaco December-27-2023-{HMC} Faah fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiye Saaka Aroornimadii hore ku dhacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guri ku yaalla Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa saaka Aroortii hore ku fariistay Hoobiye, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho leh oo soo gaaray dad Rayid ah.

Inta la xaqiijiyay Hal qof oo Hawenay ah ayaa ku geeriyootay, waxaana Hoobiyaha uu haleelay reerkaasi Xili ay hurdada ku jireen, sidoo kale waxaa burbur xooggan uu gaaray guriga.

Dadka degaanka oo warbaahinta Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Hoobiyaha uu haleelay Xili ay hurdo ku jireen. Qol-qal iyo cabsi aad u daranna ay dareemeen, maaddaama Haweenayda dhimatay si weyn looga yaqaannay Xaafaddooda.

Laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir wali wax war ah kama soo saarin duqeynta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Boondheere.

Jugta dhawaqa Hoobiyaha ayaa laga maqlay Xaafado ka tirsan Caasimadda, sidoo kalena lama soo sheegin Khasaare kale oo ka dhashay duqayntaasi.

WARARKA