spot_imgspot_imgspot_img

Dhanac yada ku Dagaalamaayo Dalka Suudaan oo markii ugu horreyay kulmaayo

Talaado December-26-2023-{HMC} Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa daaha ka qaaday in Taliyaha Ciiddanka Sudan, Abdel Fattah alBurhan, iyo Taliyaha Ciiddanka Taageerada Degdegga ah, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ay Talaadada ku kulmi doonaan magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.


Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada dhinac yeeshaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda dalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada iyo Xoogaga Taageerada degdega ah bartamihii bishii April.

 

Shirkan dhawaan furmaya ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu dhaqan gelinayo qodobadii ka soo baxay shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD, kaasoo horaantii bishan December lagu soo gaba gabeeyay MagaaladaJabuuti.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay ku dhawaaqeen labada Hogaamiye ee kala ah Hemedti iyo Al-Burhaan in ay diyaar u yihiin inay isugu yimaadaan kulan wada xaajood ah oo lagu xalinaayo dagaalka Dalka suudaan.

WARARKA