spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Qarax kale oo lala beegsaday shaqaalaha Shirkada Hormuud.

Talaado December-26-2023-{HMC}   Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari uu lahaa Injineer ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Ninka Injineerka ee ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa ka badbaaday qaraxan oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro, maadaama uu gaariga qarxay kahor inta uusan soo fuulin.

Qaraxa ayaa ka dhacay dibadda guriga injineerka Hormuud oo ku yaalla xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Khasaaraha ayaa sida hadda la xaqiijiyay ku kooban bur-burka gaariga, welina lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii November.

Markaas ayaa qaraxyadii ugu horeeyay lagu weeraray laba xarumood oo ku kala yaalla Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Shalay ayaa sidan oo kale booyad looga qarxiyay shirkada isgaarsiinta Hormuud, waxaana la qarxiyey xilli ay mareysay xaafada Waxaracade, degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Ila hadda lama oga sababta loo beegsado iyo cidda beegsaneysa shirkadda Hormuud, laamaha amnigu kama hadlaan. Shabaab sidoo kale kama hadlaan, maamulka shirkaduna waa ka aamusan yihiin weerarrada ku socda xarumaha, gaadiidka iyo shaqaalahooda.

Si kastaba, illaa hadda waxa la xaqiijiyay inta weerarada ka dhanka ah shirkada Hormuud ay billowdeen in lagu dilay laba ka tirsan shaqaalaheeda, halka laba kalena uu ka soo gaaray dhaawac halis ah.

 

WARARKA