Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo soo saartay Erey bixinta Af Soomaaliga ee Urur goboleedka EAC

isniin December-25-2023-{HMC}  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay dhammaan hay’adaha dowladda iyo warbaahinta la wadaageysa erey bixinta Af Soomaaliga ee saxda ah ee loo adeegsanayo Ururka EAC ee aan bishii November 24keedii ku biirnay, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu 15 December uu heshiiska ku biiritaanka rasmiga ah uu ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda

 

Wasaaradda Wargaafinta ayaana sheegtay in erey bixinta saxda ah ay noqoneyso Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika , waxaana loo soo soo gaabin karaa Urur Goboleedka Bariga Afrika

 

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaana lagu faray dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney

 

Soomaaliya ayaana si rasmi ah uga mid noqotay Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxa ayna Soomaaliya ku biiritaanka ururkan ka heli doonaan faa’iidooyin badan oo dhinaca ganacsiga iyo socdaalka.

WARARKA