Saturday, September 21, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Dil toogasho ah ku fulisay Muxyadiin Cali Cabdullaahi

Axad-December-24-2023-{HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukunno kala Duwan Ku Riddey rag Katirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo lagu helay in dhac iyo dil ay ka Geysteen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Muxyadiin Cali Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku Xukuntey Dil toogasho ah oo ah waana Qisaasta Marxuum Maxamed Nuur Salaad kaas oo ahaa Ardey Dhigta Iskuulka Al Qalam Ee Magaalada Baydhabo waana lagu fuliyey dilka, Halka Shuceyb Cali Mursal lagu Xukumey 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad Gaashaanle sare Sheikh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maanta maxkamadda ka soo baxay.

WARARKA