Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho soo bandhigay nin dil ka soo geystay dalka Kenya

Axad-December-24-2023-{HMC} Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen oo la xiray eedeysane dil kas geystay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasi kasoo baxday laamaha amniga dalkaasi.

 

War Qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ay soo xireen eedeysane baxsad ah, laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

 

Taliska ayaa sheegay in eedeysane Axmed Cabdiraxmaan uu gudaha Kenya ku dilay Marxuum Maxamed Xasan, isla markaana uu kasoo baxsaday magaalada Nairobi.

 

Qoraalka Booliska dowladda Soomaaliya soo saaray ayaa intaas lagu sii daray in Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi la horgeyndoona Cadaalada. Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Booliska Kenya oo ay uga hadlayaan falkaasi ka dhacay dalkooda.

WARARKA