spot_imgspot_imgspot_img

Falastiiniyiin ay Israa’iil sii deysay “waxay mar walba na weydiinayeen halka Xamaas ay joogto, lug ayey iga jareen”

Khamiis-December-21-2023-{HMC}  Lix Falastiiniyiin ah oo kasoo jeeda Qasa ayaa sheegay in si ba’an loo jirdilay, la garaacay oo ay garaaceen ciidamada Israa’iil muddo ku dhow bil oo ay xirnaayeen.

Mid ka mid ah raggan ayaa sheegay in askarta Israa’iil ay ka toogteen lugta midig, taasoo markii dambe ay noqotay in laga gooyo, balse isaga iyo qaar kale ay weli xiran yihiin.

Laakin eedeymahaas Israa’iil waa ay diiday sida uu  sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, isagoo intaa ku daray in aanay haynin xog ku filan oo ay ku baaraan sheegashada ninkan si ay u go’aamiyaan goorta iyo sida ay wax u dhaceen.

Afhayeenka militariga Israa’iil ee (IDF) ayaa intaa ku daray inay ixtiraamayaan sharciga caalamiga ah.

Raggan hadlay ayey Israa’iil sii daysay Khamiistii 14-kii December, waxaana lagu sii daayey marinka Karim Shalom oo Israa’iil ka soo gala Qasa.

Dhaawacyada raggan Falastiiniyiinta ah ayaa lagu daweeyay cisbitaalka Muxammad Yuusuf al-Najjar ee Rafax oo ku yaal koonfurta Qasa.

Sidee baaritaan dhiig loogu ogaan karaa isdilka dunida ku badan

Tobaneeyo maxaabiis ah oo laga soo daayay xabsiyada Israa’iil ayaa ku sugnaa halkaas, kuwaas oo toddoba qof oo keliya ay diyaar u ahaayeen inay hadlaan.

Afar qof oo isku xiga ayaa hal sariir wada fadhiyey, sababo la xiriira isbitaalka oo aysan meelna ka banaanayn, halka midka shanaadna uu garab istaagay si ay u taageeraan.

Waxay xirnaayeen dhar cowlan oo fudfudud iyagoo gacmahooda ay ka muuqdaan nabarro qoto dheer, aadna u murugaysan.

Qaar ka mida maxaabiista laga sii daayey xabsiyada Israa’iil waxaa ku jiray kuwo gacmaha ay ugu xiran yihiin caaga cad ee dadka gacmaha looga xiro iyo katiinad ay ku xireen ciidamada markii la xirayey


Maxamed Daa’uud waxay dhibaato ka haysatay inuu toos u istaago

Guur Wadareed Mar kaliya 50 qof Loogu Sameeyey Mandheera

Maxamed Daa,uud oo ka mida kuwa la sii daayey ayaa sheegay in xitaa la xiray markii uu raacay amarrada Israa’iil ee ah in loo guuro koonfurta.

“Waxaan ka nimid Beit Lahia oo ku taal waqooyiga, waxaanan u soconay koonfurta marinka nabdoon markii la i xiray,” ayuu igu yiri cod murugo leh.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Halkaas ayay naga qabteen, way na wareysteen, waxay isku dayeen inay ogaadaan ama weydiiyaan ‘ma Xamaas baadtihiin? Ma waxaad samaynaysaa Jihaad Islaami ah?'”

Maxamed wuxuu sheegay in uu u xirnaa Israa’iil labtan iyo lix maalmood uuna qabo in sababta loo sii daayey ah ahayd in laga waayey wixii laga rabay sida uu xusay.

“Way na garaaceen, way na caayeen waxaa kaloo ay nagu tufeen candhuuf, si daran ayay noola dhameen” ayuu yiri Maxamed.

Bayaan ay soo saartay IDF ayaa lagu yiri: “Waxaan caddeyneynaa, dhaawaca ka dhashay katiinadda maxaabiista, in arrintan loo sameeyay iyadoo la eegayo khatarta maxaabiista, laakiin xaaladooda caafimaad way wanaagsan tahay si wanaagsanna waa loola dhaqmay”.

Laakin Maxamed oo ka mid ahaa ragga hadlaya yaa sheegay wax ka duwan sheegashada ciidamada Israa’iil.

“Hal buste oo keliya ayaa nala siiyay xitaa iyadoo cimiladu aad u daran tahay, waxaana nalagu hayn jiray bannaanka ayadoo roob uu da’ayo, iyo iyadoo cuntada iyo biyaha ay gabaabsi ahaayeen,” ayuu yiri Maxamad.

Mar kale, IDF ayaa beenisay dhammaan eedeymahaas, waxayna sheegtay in maxaabiista la siiyay tiro ku filan oo isugu jirta cunto, biyo iyo goobo caafimaad saddex jeer maalintii.


Maxamuud Abuu Xuseyn oo ay ka maqan tahay lugtiisa midig iyo dhaawac ka muuqda

Maxamuud abu xusayn, oo ahaa qofkii lixaad ee laga sii daayay xabsiga Israa’iil ayaa ku fadhiyay kursi ku yaala waddada cisbitaalka isagoo niyad jabsan.

Abuu xusayn waxaa ka maqnayd lugtiisa midig, qaybta hoose ee surweelkisa waxaa ka muuqday dhiig xinjiro ah.

Wuxuu sheegay in uu u sheegay ciidamada inuu xanuusan yahay ka hor inta aysan ka soo qaadin gurigiisa oo ku yaalay waqooyiga Qasa, da’diisana uu ugu sheegay in 62 sano uu jiro sida uu sheegay.

“Maya ayay igu yiraahdeen, waa inaad noo sheegtaa halka ay ku dhuumanayaan Xamaas iyo halka ay ku sugan yihiin la haystayaasha Israa’iil.” Ayuu intaas ku daray Maxamuud.

Isagoo sii hadlyey illinna ay ka socoto ayuu Abuu Xuseyn yiri “waxaan ku iri ma garanayo waxa aad i waydiinayso oo dhan, way rumaysan waayeen hadalkii an u sheegay , waxayna iga toogteen lugta ka dibna naxariis darradu halkan kuma joogsan, waxay iga gooyeen lugta”.

Muxamed Yuusuf cali Abuu Shimla ayaa isna ka mid kuwa xabsiga laga sii daayey ee maxaabiista Falastiin, wuxuu ka yimid xaafadda Saytuun ee bariga magaalada Qasa.

Shimla, waa qofka toddobaad , waxa uu xidhnaa surwaal cawlan oo fudud sida kuwa kale, laakiin waxa ay u muuqataa in ciidammada Israa’iil ay xidheen wakhti kale.

“ Cagaf cagaf ayaa bilowday inay gurigayaga burburiso aniga iyo afartan qof oo gudaha ku jiray, dumarku way qaylinayeen, gacmaha ayaan taagnay oo gurigii ka baxnay, waxay xireen aniga iyo lix kale oo ay ku jiraan saddex wiil oo aan dhalay iyo labo aan adeer u ahay iyo wiil kale ” ayuu sheegay Shimla.

Wuxuu intaa ku daray inay ku amreen ciidamadu inay dharka siibaan laakin wuxuu sheegay in isagu uu shaarkiisa iska bixiyey, markii danbana xitaa kastuumaha ay bixiyeen.

Mar kasta ciidamada Israa’iil waxay sheegayaan inaysan haynin caddaymo muujinaya waxa ragga la waraystay ay sheegeen.

Gunaanadkii Shimla ayaa sheegay inuu raadiyey qoyskiisa intii kale, maadaama kaligiis la sii dayey balse wuxuu xusay inuusan garanayn waxay muteen kuwa aan wali la sii dayn, isagoo codkiisu uu aad nuxuus u ahaa .

XIGASHO BBC SOMALI

WARARKA