Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Meydka Wasiir Khadiija Diiriye oo la keenay Muqdisho

Khamiis-December-21-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuulin kale oo ka kooban Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo wada meydka Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XJFS Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka soo kicitamay Dalka Jabuuti, ayaa goordhawayd soo gaaray Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdishu, Halkaasi oo goor dhaw lagu tukan doono Salaadda Janaasada.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija, ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo maanta u sameynaya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriy

 

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa ee waday meydka Wasiiradii hore, Waxaa garoonka Jabuuti ka soo sagootiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

WARARKA