Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Somalia oo guddiga usartay aaska Qaran ee Marxuumad Khadiijo Diiriye

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Guddi Aas Qaran Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta geeriyootay.

Marxuumadda oo ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Djibouti ayaa waxay ka mid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhisidda Jamhuuriyadda seddexaad ee Soomaaliya, iyadoona ka mid ahayd ka qeyb galayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa akhriyey wareegtada RW ka soo baxday waxaana guddiga oo ka kooban xubno kala duwan gudoomiye looga dhigay Ku-xigeenka RW Somalia Saalax Axmed Jaamac

WARARKA