Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} DFS oo ku biirtay Waddamo Iskaashi wadaag la yeelanaya Midowga Yurub

Dowladda Faderaal Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah si buuxda ugu biirtay wadamada qeybta ka ah heshiis iskaashi wadaag oo dhexmara xubnaha Ururka Africa oo qeyb ka ah Midowga Yurub {EU}

 

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalalka la isku yeraado Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi {Ooga-Cadde}, ayaa heshiiskaaas ku saxiixay Munaasabad ka dhacday Xarunta Ururka Africa, ee Brussels

 

Heshiiskan ayaa dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya Africa iyo Midowga Yurub, waxa ayna labada dhinac isaga kaashan doonaan nabadda iyo amniga, hormarka bulshada, kobaca dhaqaale, xuquuqul Insaanka, iyo arrimo kale

 

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay qeyb ka noqotay ururo iyo hay’addo caalami ah, waxa ayna dowladda xoojineysa xiriirka kala dhaxeeyo caalamka intiisa kale, iyagoona waxyaabo badan ka faa’iidi doonto ku biirista ururadaasi

 

WARARKA