Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Xooga Dalka oo la wareegay Deegaanno A.S heesteen Mudo badan

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaanka ayaa saakay la wareegay deegaanno dhaca koonfurta gobolka Mudug oo horey u joogeen dagaalyahannada A,S

 

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in A,s saakay ka saareen deegaannada Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali Xayloow kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee koonfurta Mudug

 

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya in wali uu socdo howlgalka ay ku baacsanayaan xubnihii A,S ee laga saaray deegaannada hoostaga Caad, waxa ayna xuseen in qorsheenayaan in guud ahaan Mudug laga saaro A.S

 

Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa guulo badan ka gaaray dagaalka gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada gacanta A,S ka saareen deegaanno badan oo gobolkaasi ka joogeen

 

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda A,S ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka

 

WARARKA