Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israaiil oo Maxaabiistii ay kasoo furan waysay Xamaas wadahadal ku raadinaysa.

Talado-December-19-2023-{HMC}  Sida lagu sheegay Warbixinno ay daabaceen dhowr warbaahin oo qaarkood ah kuwa ku hadla afka cibriga ah (Afka Yuhuudda) waxaa guuldaraystay dedaalkii Ciidanka Israaiil ay ku doonayeen in ay kusoo furtaan Maxaabiista Xamaas ka qabsatay Bishii Oktoobar 2023.

Xukuumadda Benjamin Netanyahu waxaa saaran cadaadis xooggan oo uga imaanaya ehelka Dadka la haysto oo sheegay in aanay Xukuumaddu awoodin soo furashada Maxaabiistaas gacanta Xamaas ku jira kuna sii waqti dheeraaday dagaalka ay ku jiraan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dad horleh maalin weliba ay ka dhintaan kana dhaawacmaan marka la eego dagaallada ay kala hortagayaan Xamaas oo jilbaha u dhigatay xaafadaha qaar ee Magaalada Gaza oo Ciidanka Israaiil ku adkaatay in ay ka gudbaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ergo ka kala socota Maraykanka iyo Israaiil ay raadiyeen qaar kamid ah Waddamada Carabta sida Masar & Qatar si wadaxaajoodkaan uu uga duwanaado wadahadalkii koobnaa ee arrimaha bani aadamnimada loogu magac-daray.

Madax katirsan sirdoonka Yuhuudda ayaa dul-meeraysanaya waddamo dhaca Yurub oo ay ku dooanayaan in halkaas uu ka dhaco wadahadal marka hore lagu jihaynayo qorshahaan si kaddib loogu gudbo qaabka loo dhaqangelin karo.

WARARKA