Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dhulgariir xooggan oo ay dad ka badan 100 qof ku dhinteen oo ku dhuftay Shiinaha

Talado-December-19-2023-{HMC}  Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Gansu ayaa gaartay 116 qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in 105 ay ku dhinteen Gansu, iyadoo 11 kalana ay ku dhinteen gobolka Qinghai ee deriska la ah.

Mas’uuliyiinta gobolka Jishishan ee xudunta u ah dhulgariirka ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen subaxnimadii Talaadada ku sheegay in ilaa 186 qof ay ku dhaawacmeen, iyadoo 4,782 guri ay burbureen.

Kumanaan shaqaale samatabbixin ah ayaa lagu daad gureeyay goobaha musiibadu ku habsatay. Saraakiisha ayaa shacabka ka codsaday in aysan u dhawaan goobta ay musiibadu ka dhacday, si ay waddooyinka ugu baneeyaan kooxaha gurmadka.

WARARKA