Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiy Aadan Madoobe oo gaardhow gaaray magaalada Baydhabo

Isniin-December-18-2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaardhow soo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

 

Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

 

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe inta uu ku suganyahay magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo la qaadan doona madaxda maamulka, iyo bulshada si uu ugu dhiirageliyo dagaalka lagula jiro Khawaariijta sidoo kale waxaa uu indha-indheyn ku samey doonaa xaaladaha guud ee deegaanka.

WARARKA