Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Ammaanka oo Muqdisho ku xiray gabar caan ka ah baraha bulshada

Isniin-December-18-2023-{HMC}  Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray gabar dhallinyaro ah oo caan ka ah baraha bulshada, taa oo la sheegay in ay faafineysay muuqaalo anshax-xumo ah.

Gabadhan ciidamada ammaanka xireen oo lagu magacaabo Bishaaro Balaayo ayaa ku caan baxday muuqaalalada anshax-xumada ah ay ku faafiso barta Tiktok , waxa ayna maalmihii lasoo dhaafay baahineysay muuqaalo bulshada ka carroodeen.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ammaanka ayaa gabadhan ka xiray goob ay ku sugneed, kaddib cabasho kasoo yeertay bulshada oo ku baaqayay in la xiro gabadhan iyo kuwa kale ee dhaqan-xumada faafiya.

Dhallinyarada baraha bulshada isticmaala gaar ahaan Tiktok ayaa mararka qaar faafiya muuqaalo anshax-xumo ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban iyo dhaqanka Soomaalida, waxa ayna muuqaladan noqdeen kuwa sawir xun ka bixiya sharafta dadka Soomaaliyeed.

 

WARARKA